Doorashooyinka dowladaha hoose
Cabashada doorashooyinka dowladaha hoose
Muwaadinka sharafta leh, Mareegtaan waxaa loogu talagalay in lagu aruuriyo Cabashooyin la xiriira doorashooyinka dowladaha hoose ee Maamul Goboleedyada Soomaaliya.
Cabasho aruurintaan looguma talagalin in lagu dhaleeceeyo Guddiga Doorashooyinka ama Hay'adaha kale ee Dowladda, balse waxaa loogu talagalay in lagu saxo waxyaabaha ka qaldamay doorashooyinka dowladaha hoose mustaqbalka, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo 57 sano ah, isla markaana wax laga barto wixii ka qaldamay doorashadaan.